Dunida maanta, amniga internet-ka iyo ilaalinta xogta waxay noqdeen waxyaabo aad iyo aad u muhiim ah. Iyada oo khataraha internet-ka ay sii kordhayaan marba marka ka danbaysa. Waxaana lama huraan noqotay in la helo xirfadlayaal aqoon u leh sidii loo ogaan lahaa loona xallin lahaa dal-daloolooyinka amni ee uu leeyahay nidaamku. Halkaas ayayna ka magac baxday Hacking-ka Akhlaaqiga Ah ama Ethical Hacking — kaasoo sidoo kale leh magacyo kala duwan sida White-hat Hacking. Waa Maxay Ethical Hacking? Ethical hacking waa hab lagu baaro laguna qiimeeyo amniga nidaamka ama shabakadda, iyadoo la adeegsanayo farsamooyin la mid ah kuwa burcaddu ay adeegsadaan (black-hat hackers), laakiin ujeedadu tahay in la ogaado dal-daloolooyinka amni, kahor inta aysan burcaddu ogaan. Ethical hacking waa hab lagu baarayo ama lagu test garaynayo heerka anmi ee nidaam, iyadoo si ku talo gal ah loo weerarayo, lana isku dayayo in la jabsado, si loo ogaado meelaha uu ku liito, iyo god-daloolooyinka amni ee uu leeyahay, ka hor inta aysan ogaan Hakers-yada dhabta ah. Qofka Ethical Hacker-ka ahi wuxuu ka hortagaa weerarada, isagoo goor hore ku baraarugaya god-daloolooyinka amni, ka hor inta aysan ku baraarugin oo aysan helin burcada internet-ka ama black-hat hackers, oo ah hackers-yada dhabta ah. Waxyaabaha Looga Baahan Yahay Ethical Hackers-ka Fahamka shabakadaha (Networks) iyo nidaamyada (Systems), iyo sida ay iskugu xidhan yihiin. Barashada luuqadaha barnaamijyada sida Python, Java, C++. Barashada aaladaha (Tools) baaritaanka sida Nmap, Wireshark, Metasploit. Fahamka nidaamka hawlgalka, gaar ahaan Linux iyo Windows. Fahamka sharciyada iyo anshaxa hacking-ka. Hadii aad rabtid inaad baratid Ethical Hacking-ka oo ah qeyb ka mid ah cybersecurity, qaado koorsadan hoos kaaga muuqata ee “CERTIFIED ETHICAL HACKING (CEH)” , wixii faahfaahin dheeri ah, waxaad ka helaysaa muuqaalka hordhaca ah ee koorsada ⬇️.